Qamar Maxamuud Maxamed waxey ku guda jirtaa howsheeda maalinimo ee ay sida joogtada ah u qabaneysay seddexdii sano ee la soo dhaafay, waana tabararida xidigaha ka tirsan akadeemiyada Isku filan, oo ay iyadu aas aastay ahna xarun lagu tababaro dhallinyarada jecel kubadda cagta, ee mustaqbalka doonaya in ay tartamada caalamiga ee kubadda cagta ku matalaan dalkooda ama u mar uun ay ka ciyaaraan tartamada kala duwan ee gudaha dalka.
Qamar ayaa ugu horeyn ka warbixisay sida ay ugu suura gashay aas aasida akadeemiyadan iyo sida ay isugu keentay dhallinyarada ka tirsan Akadeemiyada oo degmooyin kala duwan ka yimaada.
“Akadeemigan aniga ayaa aas aasay Sanadkii 2021-kii, waana howl adag in dhalinyaro badan la isaga keeno dhowr degmo, waxaan rabaa in dhallinyarada aan ku caawiyo aqoonteyda, iyagana waan kaga mahad-celinayaa sida ay ii ixtiraamaan, sababtoo wax fudud ma ahan in gabar ay tababare u noqoto wiilal”
Inkastoo Qamar ay u bareertay qabashada masuuliyadan tababarenimo ee gudaha Soomaaliya aan looga baran gabadhaha, misana waa mid ka dhabeysay qeyb ka mid ah himilooyinkeeda, waxaana sanadkan koobka degmooyinka gobolka Banaadir ka soo muuqday qaar ka mid ah xidagaha Akadeemiyada ay gacanta ku heyso xilli iyada qudheeda ay fursad u heshay in loo xusho tababaraha 4-aad ee kooxda degmada Garasbaaleey oo ka mid ah degmooyinkii sanadkan wacdaraha ka dhigay koobka degmooyinka ee Muqdisho iminka ka socda.
Cabdiraxmaan waxa uu qeyb ka yahay xidigaha ka tirsan Akadeemiyada Isku Filan, wuxuuna Hortabin Media uga waramay dhiira-gelinta ay ka helaan macallin Qamar iyo noocyada ay isugu jiraan tababarada ay qaataan.
” Macallin Qamar waxaan ka helnaa dhiira-gelin badan, waxeyna inoo joogtaa booskii waalidiinteena, waxaan qaadanaa tababaro kala duwan sida kan kubadda cagta iyo midka jir dhiska, aniga ahaan wax badan ayaa iska keey baddelay maalintii aan ku soo biirayey Akadeemiyada isku filan iyo maanta”
Akadeemiyada isku filan ee ay Qamar aas aastay ayaa waxaa heysta baahiyo kala duwan, oo ay ugu horeyso tan la xiriirta agabka sports-ka waxaana waqtigan ay dalabanayaan in xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya iyo cid kasta oo garab siin karta ay ka taageeraan sidii ay u heli lahaayeen agab dhameystiran .
Soomaaliya Gabdhaha ayaa caqabada kala duwan ka dhaxla bulshada, waxaana inta badan ay Soomaalidu ay aamisan tahay in gabdhuhu aanay qaban garin howlaha qaar oo ay jirto tan tababarnimo ee iminka judiga galineyso Qamar, Balse gabadhan iyo hablo kale oo howlaha muhiimka ah bulshada u haya ayaa tusaalle u ah dadaalada ay haweenka Soomaaliyeed ku bixinayaan buuxinta kaalin walba oo bulshada ka bannaan.