Muno Cabdirisaaq oo ka mid ah haweenka ku nool magaalada muqdisho, ayaa u diyaar garoobeysa qeyb ka mid ah howl maalmeedkeeda shaqo ee aqalkeeda, waxeyna cunnada qoyska ku diyaarineysaa shooladaha gaaska ee rashinka lagu karsado, kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku soo badanayey gudaha Soomaaliya.
Shooladahan ayaa baddelay burjikooyinkii dhuxusha ee qadiimiga ahaa ee wax lagu karsan jiray, oo iminka u muuqda kuwo gabaabsi ah oo dad kooban ay isticmaalaan
Inkastoo gaaska oo wax lagu karsadaa uu ka dhaqsiyo badan burjkooyinka dhuxusha, ayaa misana waxaa mararka qaar dhacda in gaaska lagal kulmo qaraxyo waxyeelaya dadka isticmaalaya hadaba arrintaas ayaa u sabab ah aqoon yari dhinaca isticmaalka shooladaha.
Dhacdooyinka la xiriira Qaraxyada ka dhasha gaaska wax lagu karsado oo inta badan soo noq noqda ayaa keentay in ay yaraato kalsoonida ay haween badan ku qabi karaan shoolada waxaana haweenkaas ay wali adeegsadaan inay cuntada ku karsadaan burjikooyinka dhuxusha
Fatxi Sheekh Maxamed oo ka mid ah dumarkaasi ku haray isticmaalka burjikada dhuxusha, ayaa sheegeysa in shooladaha gaaska dhaqaalle ahaan ay awoodaan qoysaska ladan oo qura.
Muqdisho oo sii fideysa ayaa maqaayadaha badan ee laga furay gudaha caasimada waxey iyaguna dhankooda isticmaalaan shooladaha gaaska oo ah habka ugu dhaqsiyaha badan ee cunnada ugu diyaarin karaan macaamiishooda.
Si kastaba Dadka u dooda arrimaha deegaanka ayaa aaminsan in kororka shooladaha gaaska raashinka lagu karsado ay horseedi doonaan mustaqbalka dhaw in ay hoos u dhacdo jaristii xowliga u socotay ee lagu hayey dhirta dhuxul ahaanta loo adeegsanayo, waxaase feejignaan yarida jirta ee dhanka bulshada ay bidhaamineysaa halista ku gadaaman isticmaalka shooladaha gaaska.