(Hortabin Media) – Dagaal beeleedyada deegaanno ka mid ah dalka ka soo cusboonaaday ayaa horseedaya ficilo argagax leh oo ay Soomaalidu horey u arkin.
Dagaal beeleedyada oo ahaa kuwo soo jireen ah, isla markaana salka ku hayey dhul daaqsimeed, ayaa yeelanaya waji naxdin leh.
Dhawaan deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud oo xad la leh dowlad deegaanka, waxaa lagu dilay 5 caruur ah oo uu u weyn yahay 13 jir, taas oo noqotay fal aad looga argagaxo.
Waxaa dhacdadaasi ka sii horeysay mid ka taagneyd Shabeelaha dhexe, halkaas oo beelihii ku dagaallamayey qeybtood ay gubeen guryaha beesha ay dirirtu kala dhaxeysay.
Ficiladan guracan oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa si weyn uga dhiidhiyey shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo dowladda ugu baaqay in ay tallaabo ka qaado, inkastoo dowladda aanay weli ka jawaabin fariimahaasi.
Iminka waxaa gudaha Baladweyne ku afduuban labo nin oo mid ka mid ah la yiraahdo Cabdirisaaq Mire Dhoore, waxaana loo heystaa fal la xiriira aano qabiil, iyadoo kuwo heysta ay dalbadeen lacag madax furasho ah, waana arrin la yaab ah oo aan horey loogu arkin dhaqanka Soomaaliyeed.