In muddo ah Al Shabaab, waxey dakedda Muqdisho kala soo dagayeen badeecooyin kala duwan, waxaana howshaas u qaabilsanaa rag ganacsato ah, oo laga yaqaan Muqdisho.
Fashilkii shalay ku yimid saameynta ay kooxda ku lahayd waxyaabaha dekadda Muqdisho, ayaa waxaa door weyn ka qaatay hay’ada nabad sugida.
Hay’ada ayaa gacanta ku dhigtay xogta ganacsatadii alaabtan soo dhiibtay, iyo kuwa la wareegi rabay, kuwaas oo maalmaha soo socda ka soo muuqan doona maxkamadaha dalka.
Waxaa cadaatay in agabka ay Al Shabaab ku fuliyaan howl-galada, laga soo dejiyo garoonka, waxaana agabkii la qabtay ka mid ah saanad ciidan oo ay ku jiraan dareys u muuqaal eg kan ciidamada Dowladda.
Fashilka ku yimid kooxda, ayaa saameyn culus ku yeelan kara dhaq dhaqaaqooda, maaddaama la soo afjaray doorkii ganacsi ee ay ku lahaayeen dekadda Muqdisho.
Dad badan ayaa rumeysan in arrintan ay saameyn ku yeelaneyso qaraxyadii ay kooxda ka fulin jireen gudaha dalka, kuwaas oo maadooyinka laga sameeyo, laga soo dejiyo dekadda Muqdisho.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa waqtigan qabanaya shaqo adag, waana kuwa si joogta ah u helaya xogta xubnaha Al Shabaab, taas oo caddaadis adag saareysa in ay argagixisadu gaaraan hadafkooda.