Wasiirka Cusub ee Arrimaha Guddaha ee Faransiiska ayaa sheegay in Faransiisku u janjeero inuu soo saaro shuruuc cusub oo lagu soo rogayo muhaajiriinta dalka imanaya.
Wasiirka ayaa carabaabay in mooshinka dadweynuhu u jeedo in la xakameeyo dadka soo galootiga ah. Qaaradda Yurub, wadamo badan oo ay dadka qaxoontiga ahi soo beegsan jireen ayaa sannooyinkii u danbeeyey adkeeyey qaxoontiga.
Talyaaniga ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu dalkiisa ka musaafurinayo dadka aan sharciga ku soo galin, waxaana tallaabo midaasi la mid ah la filayaa in ay qaadaan Ingiriiska iyo Netherland.
Si kastaba Yurub waxaa waqtigan ka dilaacay kacdoon ka dhanka dadka magangalyo doonka ah, taas oo wal wal hor leh ku abuurtay Muhaajiriinta oo ah kuwo raadinaya nolol dhaanta tii ka jirtay dhulkoodii.