Xasuuqa Israa’iil ay ka wado Gaza waxaa mudadaas ku geeriyooday dad gaaraya in ka badan 38-kun oo falastiiniyiin ah, taas oo walaac badan laga muujiyey.
Saacadihii ugu danbeeyey duqeyn culus oo ay ciidamada Isra’il shalay ku bartilmaameedsadeen teendhooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawasi ee koofurta Gaza, waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 90 qof.
Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka goobta la weeraray ayaa ahayd meel ay hore Israa’iil u sheegtay in ay rayidku ku nabad gali karaan, waana dhibaato hor leh iyo fal mudan in la dhaleeceeyo.
Weerarkan waxey milatariga Israa’iil ku sheegeen mid ay ku beegsadeen taliyaha milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo abaanduulaha labaad ee Xamaas Rafa Salama. Hase yeeshee goor danbe oo shalay ah ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu sheegay in aysan wali hubin in weerarka ay ku dileen ragaasi.
Meydadka la helay ayaa gaaraya 91 qof halka dhaawacuna uu yahay 300, waxaana weerarkan lagu sheegay kii ugu xoogganaa ee ay toddobaadyada geysato Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta waaxda caafimaadka Gaza oo iyagu dhaawacyada la tacaalaya.