Magaalada Muqdisho waxa ay ka mid tahay meelaha dowladda fedraalka Soomaaliya ay u qorsheysay in ay ka dhacaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladdu ku hamineyso in ay ka qabato guud ahaan dalka, waxaana la qorsheeyey in doorashooyinkaasi ay ka dhacaan 16 degmo oo ka mid ah 20-ka degmo ee ay iminka ka kooban tahay Caasimadda.
4-ta degmo ee laga reebay doorashooyinka qof iyo codka ayaa waxa kala yihiin degmooyinka Kaxda, Daarusalaam, Garasbaaleey iyo Gubadleey, kuwaas oo sababo amni awgood aan doorasho lagu qaban karin.
Haddaba marka la eego qaabka ay wax u socdaan xilligan magaalada muqdisho ma ka dhici kartaa doorasho qof iyo cod ah, suurtagalse ma tahay in dadka muqdisho ay soo doortaan hoggaan iyaga matala?
Saciid Axmed Cabdiwaaxid (Saciid Nabadoon)waa Gudoomiyaha ururka baraaruga bulshada Banaadir, waxana uu ka mid yahay Aqoonyahanada u ololeeya in Caasimadda laga qabto doorasho qof iyo cod ah, waana shakhsi aaminsan in doorashada la qaban karo, haddii xoogga la saaro waqtigan.
Saciid Nabadoon dhanka kale waxa uu sheegay in mudooyinkan ay wadeen xog ururin ku saabsan fahamka bulshada ee ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna xusay in uu yar yahay fahamka bulshada, isla markaana ay u baahan yihiin wacyi galin fara badan.
Aqoonyahanada qaar ayaa qaba in inta aan magaalada Muqdisho laga qaban doorashooyinka ay muhiim tahay in laga heshiiyo sharuucda doorashooyinka iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga doorashooyinka ee la magaacabay, maaddaama waqtigan lagu muransan yahay arrimaha doorashooyinka, sida uu Hortabin Media u sheegay Dr Axmed Daahir Shaafi oo bartay siyaasadda iyo xiriirka Caalamiga.
Siyaasiyiinta magaalada Muqdisho qaarkood ayaa aaminsan in haddii laga fogaado musuq maasuq iyo wax daba marin ay magaalada Muqdisho ka qabsoomi karto doorasho dadweyne sida uu tilmaamay Prof Maxamed Cumar Dalxa.
Marka laga soo tago qeybaha bulshada ee rumeysan in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo muqdisho ayaa dhinaca kale waxaa jira kuwa kale oo iyagu qaba in waqtigan aan doorasho dadweyne laga qaban karin magaalada Muqdisho, sida uu ku doodayo Maxamed Deeq Haldhaa oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed.