Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda ayaa maanta garoonka aaden cade ku sii sagootiyey ku dhawaad 20 qof oo ka tirsan dadkii ku dhaawacmay weerarkii khamiistii lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys jaamac oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada dhaawacyada la qaaday, kuwaas oo uu sheegayo in lagu soo daweyn doono dalka Turkiga.
Dhinaca kale xubno ka tirsan qubarada amniga siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaddan qaabkii uu u dhacay weerarkii qaraxyada ku billawday ee lala beegsaday Hotel SYL oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.
Korneyn Cabdulaahi Cali Macow oo ka mid ahaa saraakiishi hore ee hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa sheegay in loo baahnaa in guurjoogteyn lagu sameeyo ciidamada lagu aaminayo fariisimada ku dhaw xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyadoo in muddo ah aanay caasimada ka dhicin qaraxyo iyo weeraro noocan oo kala ah oo lala beegsanayo hotelada magaalada, sida uu sheegayo Maxamed Muqtaar ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka oo sidoo kalana ku taliyey in la xoojiyo tababarada la siinayo ciidamada loogu tala galay ilaalinta kontooralada.
Weerarka qaraxyada ku billawday ee ka dhacay khamiistii Hotel SYL ayaa dad badani su’aallo iska weydiinayaan, sababa keenay iyo cida fududeysay, waxaana afhayeenka booliska gaashaanle sare qaasim Axmed rooble oo su’aashaasi la weydiiyey Jimcihii uu ku jawaabay in ay jiraan baaritaano ay wadaan laamaha amniga soomaaliya wixii ka soo baxana ay saxaafada la wadaagi doonaan.