Waxaa sii xoogeysanaya dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee u dhaxeya ciidaamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah, iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaallo aad u culus ayaa labada dhinac ku dhexmaray saacadahii ugu dambeyay dhulka ku teedsan jiinka wabiga, gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburte.
Dagaalka dhinacyada ayaa qaata saacado badan, waxaana ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto wax khasaaare rasmi ah oo la shaacin karo
Dhanka kale Cali Jeyte oo ah Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka, ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimaanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, isla markaana dagaalyahano badana ay uga laayeen Al Shabaab.
Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu sheegay in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn.
Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii xusay in dagaalkan kaalin weyn ay ka qaateen Ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya.