Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Ergay cusub, oo lagu magacaabo Catriona Laing, taas oo u dhalatay dalka Britian.
Gabadhan noqoneysa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa beddeli doonta ergaygii hore ee James Swan.
Catriona Laing Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), ayaa lagu magacaabay qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, kaas oo lagu sheegay in ay kaalin weyn ka qaadan doonto howlaha ka socda Xafiiska QM ku leedahay Soomaaliya.
Sida Bayaanka lagu caddeeyey Catriona
Laing ayaa leh qibrad shaqo iyo waaya aragnimo 35-sano ah oo dhanka Diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, iyadoo hore usoo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 illaa 1994.
Danjriaha ay Qaramada midoobay u soo magacawday Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee ugu danbeysay ahayd Safiirka Britain ee dalka Nigeria, halkaas oo ay howlo badan ka soo qabatay.
Si kastaba Magacaabida Catriona Laing ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso in si xowli ah uu ku billawdo wajiga labaad ee howl galka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab.