Waqtigan Maalqabeenka Elon Musk ayaa si aad ah u daneynaya inuu ka soo muuqdo golaha wasiiradda Mareykanka, waa haddii uu Donald Trump ku guulleysto doorashada Mareykanka ee shalay loo dareeray.
Ku biiritaanka Elon Musk ee dowladda Mareykanka ka dib guusha Trump, ayaa ka dhignaan doonta Bilyaneer qabtay xafiis dowladeed, balse waa arrin ay ka horeyso hardan adag iyo liban dhanka doorashada oo uu hanto ninka ay jaalka yihiin ee Trump.
Trump ayaa daneynaya inuu Musk u u dhiibo xafiis dowladda ka caawin kara horrumarinta Teknooliyadda dalkaasi, balse waxaa Musk qorshaha ugu jira inuu qeyb ka noqdo Golaha Wasiirada.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu qof Maalqabeen ah u hanqal taago siyaasadda, waxaase hore u jirtay in dad maalqabeeno badan ay ku dhiiradeen arrintan, kuwaas oo laga xusi karo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Nelson Rockefeller iyo duqii hore ee magaalada New York Michael Bloomberg iyo Trump qudhiisaba.