Dadka degan gobolka Florida ayaa qiimeynaya burburka ka dhashay duufaanta Milton, taasi oo kicisay roobab xooggan iyo daadad ka dhashay duufaano iyo koronto la’aan baahsan markii ay soo gaartay xeebta.
Duufaanta ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo uu dheer yahay khasaare hantiyeed oo lixaad leh.
Shirkadaha tamarta Korontada ayaa diraya digniino hor leh, kuwaas oo ku wajahan in korontadu ay maqnaan karto muddo badan, waaana heerka seddeexaad ee cabirka duufaanada.
Duufaanta ayaa wadatay dabeylo xooggan, waxaana taasi ay qasabtay in la soo saaro xaalado deg deg ah, iyadoo laga cabsi qabo in dabeyshu ay keento roobab ka badan kuwa iminka la arkay, taas oo sababi karta daadad ay ka dhashaan khasaare baaxad leh.
Madaxweynaha Mareykanka Biden oo ka hadlay caqabadan ayaa carabka ku dhuftay, in muddo dheer ay qaadaneyso in dib looga soo kabsado, waxaana sida uu sheegay qasab ah in dowladdu bixiso dhaqaalle fara badan oo horseedi kara in loo gurmado kuwo dhibanayaasha ah.