Israa’iil ayaa duqeymo xooggan ka geystay magaalada Xudeyda ee dalka Yamen, waxaana duqeyntan ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntan ku geeriyooday seddex qof, iyadoo 87-kalana ay ku dhaawacmen, waxaana duqeyntan fuliyey diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.
Duqeynta ayaa lala beegsaday Dekadda magaalada Xudeyda, iyadoo dhaawacyada intooda badani ay yihiin gubniin kasoo gaaray dab ka kacay goobaha shidaalka lagu keydiyo ee dekadda, sida uu shaaciyey Telafishanka Al-Masirah ee ku hadla codka Xuutiga.
Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedkooda uu ahaa Dekadda Xudeyda, oo sheegeen in ay hub kala soo degaan Xuutiyiinta.
Dhinaca kale Xuutiyiinta Yamen ayaa cod dheer ku sheegay in ay aargoosanayaan, isla markaana cawaaqib xun uu ka dhalan doono duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Xudeyda.