(Hortabin Media) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaalle Madaalle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalda muqdisho, isagoo daba jooga dibadbaxyadii maanta ka dhacay Caasimada, ayaa sheegay in aan la aqbali karin qabashada banaanbaxyo rabshado wata, kuwaas oo saameyn ku yeesha bilicda wadooyinka Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in laga baaqsan karay banaanbaxii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo khasaare gaarsiiyey hanti ay lahaayeen dad shacab ah.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay daganaan muujiyaan marka ay dhigayaan dibadbaxyada ay ku cabirayaan dareenkooda, isagoo guddi baaritaan ku sameeya u saaray khasaarihii ka dhashay dibadbaxyadii maanta.
Hadalka Duqa Muqdisho aya ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bannaabaxyo rabshado wata oo ay sameyneyaan taageerayaasha Sheegow Axmed Cali oo ay ciidamada dowladdu shalay soo xireen, kadib marki ciidamo taabacsan lagu eedeeyey falal dhac ah in ay kula kaceen dadka Dharkeenleey.