Muqdisho (Hortabin Media) – Alle ha u naxariiste waxaa geeriyooday Dr. Maxamed Xuseen Cabdi oo loo yaqaan Dr Buube, kaas oo ku geeriyooday dalka Turkiga, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirta laf dhabarta u ah bahda caafimaadka dalka.
Dhaqtarka oo caan ka ahaa gudaha dalka, ayaa lagu xasuustaa inuu door weyn ka soo qaatay daboolida baahida caafimaad ee dalka ka jirtay, isagoo wax weyn ka qabtay arrimaha caafimaadka dalka intii lagu guda jiray bur burkii dalka.
Taariikhdiisa oo kooban:
Naxariistii jano Alle ha siiyee Dr. Buube ayaa sanadkii 1948-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa, Dugsiga Hoose, Dhexe, Sare iyo Dugsiga Qur’aankaba ku dhameeyey isla caasimada, isagoo intaasi kadib imtixaan u galay fursad waxbarasho oo dalka Talyaaniga ah, taas oo uu ku guuleystay.
Markii uu Talyaaniga tagay wuxuu durba billaabay kuliyadda Caafimaadka, isagoo qeyb ka mid ah waxbarashada caafimaadka halkaasi ku soo qaatay, wuxuuna intii kale ka dhameystirtay gudaha Dalka.
Alle ha u naxariistee Dr. Buube wuxuu ka soo shaqeeyey Wasaaradii Caddaalada Soomaaliya ka hor inta uusan talyaaniga aaddin, taas oo bidhaamineysay hal karaankiisa qofnimo iyo ka go’naanshihiisa u shaqeynta bulshada.
Waxbarashadiisa kadib Dr. Maxamed Xuseen Cabdi ayaa noqday mid ka mid ah dhaqaatiirta loogu jecel yahay gudaha dalka, wuxuuna kaalin xusid mudan ku leeyahay inuu qeyb ka ahaa dhaqaatiirta shacabka Soomaaliyeed samata bixiyey xilligii ugu adkaa, isagoo madax ka noqday Isbitalka Digfeer oo hada loo yaqaan Rajab Dayib Ordogan.
Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga naxay geerida Dr. Buube, waxeyna ku tilmaameen in ay adag tahay helida dhaqtar ceynkiisa oo kala ah, iyagoo ku sifeeyey shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo dheer u lahaa arrimaha caafimaadka, sida uu Hortabin Media la wadaagay Dr. Yaasiin Axmed Nur oo xubin ka ah Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, isla markaana aqoon fiican ay isku lahaayeen marxuumka.
Ugu danbeyntii bahda Hortabin Media, waxa ay u tacsiyeeyneysaa awlaadii, eheladii, asaxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Buube, waxeyna ilaahey uga baryeeysaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, isla markaana ka samirsiiyo guud ahaan ehelada iyo bulshada Soomaaliyeed ee uu soo garab istaagay xilligii uu adkaa.