Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Xeerka Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka, kaasoo loogu talagalay in lagu maareeyo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka.
Daahfurka xeerkan, oo ka dhacay xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka, ayaa ka dhigan in Soomaaliya, oo kasoo kabaneysa colaado sokeeye oo muddo dheer hareeyay, ay hadda magangalyo siinayso qaxooti iyo dad ajnabi ah oo dalalkooda kasoo cararay.
Tallaabadan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey qaxootiga Soomaaliya jooga, kuwaas oo ku tilmaamay arrin hore loo qaaday, taas oo iyaga ugu fadhisa ahmiyad gaar ah.
Sanadihii ugu danbeeyey gudaha dalka waxaa soo maciinsanayey qaxooti kala duwan, kuwaas oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Yamen iyo Itoobiya, waxaana qaarkood ay wajahayeen xaaladdo adag, balse xeerkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka badalo caqabadihii ay ka cabanyeen.