(Hortabin Media) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Muqdisho, waxaana heshiiskan uu ku kacayaa 92.6 milyan oo dollar.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto daruufaha aas aasiga ee ka jira deegaanada laga xoreeyey Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Labbo wasiir oo kala ah, Kan maaliyada iyo wasiirka qorsheynta qaranka, halka Mareykanka uu u saxiixay ku simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Madashii lagu kala saxiixday heshiiska, waxaa ka hadlay Wasiirka Qorsheynta, kaas oo bogaadiyey taageerada Mareykanka, wuxuuna xusay in heshiiskan uu yahay wajigii labaad, halka kii hore uu ku kacayey 78 Milyan.
Ilaa iyo goortii billawday dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, oo looga saaray deegaano badan, waxaa adkaatay in deegaanadaasi loo helo adeegyadii aas aasiga ahaa, waxana heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka ku sugan meelaha laga xoreeyey Al Shabaab, kuwaas oo aanan heysan waxyaabihii bud-dhiga u ahaa nolosha.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah, wadamada Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan, waana kuwo si toos ah ula socda, isla markaana saameyn ku leh siyaasadda dalka.
WQ: Ayaanle Qoyste