Booliska Soomaaliya ayaa saakay ku jarmaaday dhulka Dabdamiska, ee agagarka Isbitalka Banaadir, halkaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey uu muran ka taagnaa, kadib markii dowladda ay u baahatay dhulkaasi, shacabkii daganaana ay cabasho Muujiyeen.
Waxaa iminka socota howsha bur burinta ah, iyadoo dadkii halkaas daganaana ay barakacayaan.
Afhayeenka Booliska oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dib loo howlgalinayo xaruntii Dabdamiska qaranka, taas oo lagula tacaalayo daruufaha ka dhasha dabka inta badan ka kaca gudaha Caasimada.
Dhinaca kale Dadka degan dhulka Dabdamiska ayaa sheegay in aan la siinin dhulkii loo balan qaaday, waana kuwo muujinaya walaac ba’an.