Dowladdda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka midawga Afrika uu ku aqbalay codsigii dowladda ee bixitaanka ciidamada ATMIS.
Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika ayaa tilmaaamay in ahmiyad gaar ah uu leeyahay hadalka ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee midawga Afrika, wuxuuna xusay in qorshahan uu u baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan geliyo.
Wuxuu Danjiruhu xusay in amaanka Soomaaliya ay iminka ku filan yihiin Ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay leh awood iyo tayo ay ku xaqiijin karaan amniga dalka.
Dhamaadka Sanadkan ayaa la filayaa inuu idlaado howlgalka ATMIS, waxaana durba ay saldhigyo dhowr ah ku wareejiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta loo gelinayo amniga dalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan sugida amniga dalkooda, taas oo ah arrin culeyskeeda leh oo u baahan masuuliyad culus.