Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada maamulka Jubaland, xilli Axmed Madoobe uu ka soo horjeestay doorashada qof iyo codka ah ee ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday.
Shalay ayey ahayd markii musharaxiintu ay qaateen shahaadooyinkooda musharaxnimo, waxaana maanta lagu wadaa in si rasmi ah ay u billabato doorashada.
Inkastoo la rumeysan yahay in doorashada uu ku soo baxayo Axmed Madoobe haddana waxaa la baratameysa seddex musharax oo kale, kuwaas oo lagu kala magacaabo: Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan, Dr. Cabdi Xasan Xajiin.
Doorashadan oo la aaminsan yahay in ay tahay mid uu Axmed isugu caana shubayo, ayaa ah mid isha lagu wada hayo, waxaana la ogsoon yahay in ay sii kordhin doonto xiisada u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Jubaland oo waqtigan isku maandhaafsan arrimaha doorashooyinka uu dalku aadayo.
Maalintii khamiista ee aynu ka soo gudunay ayey ahayd markii Kismaayo lagu qabtay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, waxaana xilkaasi ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kaas oo mar kale loo doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha.
Si Kastaba Axmed ayaa iska dhaga tiray baaqyada ugu imaanaya Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland, kuwaas oo dhowr jeer ugu baaqay inuu ku soo laabto miiska wada hadalka, isla markaana uu la midoobo Golihii wadatashiga qaran.