Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 18-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehelayay ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare iyo Ku-xigeennada labaad ee labada gole ee Baarlamaanka 11-aad,
Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 10-aad-20-aad
Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, sharci darada soo ridida caruurta uurka ku jira, xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.
Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo gunnaanaday Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in dooda ay aad uficneyd waxaana ay umahadceliyay Xildhibaannadii waqtiga badan fadhiyay ee shaqadooda gutay.