Kooxda Liverpool ayaa aqbashay in ay bixiso €70m si ay u bur buriso qandaraaska uu xidigan kula joogo kooxda RB Leipzig.
Waxaa la qorsheynayaa in maanta uu maro qeyb ka mid ah tijaabada caafimaadka, taas oo fududeyneysa in Liverpool ay ku dhawaaqdo todobaadkan la soo wareegistiisa.
Saxiixan ayaa noqonaya kii labaad oo Reds sameyso xagaagan, kadib imaatinka Alexis Mac Allister bilowgii June.