Labadii casho ee ugu danbeysay Madaxweynayaasha Maamulladaas Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen, ayaa waday kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan saraakiisha amniga Maamulada ay madaxda ka yihiin.
Masuuliyiintan, ayaa saraakiisha ku wargaliyey inuu billaabanayo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, waxeyna ciidamada maamulladaas u sheegeen, in ay kaalin ka soo dhalaalaan doorkooda.
Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa xooggiisa ka billaaban doona Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo ah meelaha ugu badan ee ay kooxda Al Shabaab kaga sugan tahay dhulka Soomaalida.
Wajiga 2-ad Maamulka Jubaland waxaa ka gacan siinaya ciidamada dalka Kenya, kuwaa oo ka bar bar dagaallami doona ciidamada maamulkaasi halka ciidamada Itoobiya ay garab siin doonaan askarta Koonfur Galbeed.
Wajiga labaad ee dagaalka waxaa si dadban uga qeyb qaadan doona diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee dalalka Turkiga iyo Mareykanka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ingiriisku uu ballan qaaday inuu dhaqaalle ku taageeri doono howlgalka.