Diyaaradaha Dagaalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku soo dhawaaday xuduuda hawada sare ee Mareykanka, gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.
Sida laga soo xigtay Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa tibaaxay in arrintan aysan ahayn mid lala yaabo, wuxuuna intaasi ku daray in aanay jirin khatar deg deg ah oo ku quseysa amniga Mareynkanka waa sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin haddii Ruushka iyo Shiinaha ay joogteeyaan duulimaadyada kuwan oo kala ah.
Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.
Diyaaradahan ayaa ku xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ, waxaana Taliska difaaca hawada sare uu sheegay inay dabagal ku sameeyeen labadan diyaaradood.