Waxaa isi soo taraya walaaca iyo walbahaarka ka abuurmay dil saacadihii la soo dhaafay Magaalada Wardheer loogu geystay dhallinyaro xer ah.
Dhallinyarada oo ay tiradoodu gaareysay ilaa lix, ayaa ahaa kuwo xer ah, waxaana lagu dilay Masaajid ku yaalla magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Muuqaalada dhacdadan oo la soo dhigay baraha bulshada, ayaa argagax ku abuuray bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dowlad deegaanka Soomaalida.
hoggaanka nabad galyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkan aanu salka ku heynin arrimo aano qabiil ah, wuxuuna ku sifeeyey mid lagu argagax galinayo bulshada dowlad Deegaanka Soomaalida.
Wuxuu intaasi ku daray in ay ku daba jiraan kuwii falkan geystay, oo sida uu sheegay ay caddaalada hor-keeni doonaan, wuxuuna wada shaqeyn ka dalbaday bulshada ku sugan Magaalada Wardheer oo ah halka uu falkani ka dhacay.
Si kastaba Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Hortabin Media heshay ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayo dagaal beeleed iyo arrimo aanu qabiil ah, kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey xal loo raadinayey, iminkana socotay waan waantooda.