Waxey Dowladda Mareykanka soo saartay digniino culus oo dhanka amniga caasimadda ah, waxeyna cabsi ka muujiyeen weeraro Al Shabaab ka yimaadda, kuwaas oo khasaare geysta.
Mareykanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay suurtagalnimada weeraradaasi, wuxuuna carabaabay in laga cabsi qabo in lagu beegsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Si gaar ah Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho ayaa macquul ah in weeraradan lagu beegsado, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Mareykanka.
Mareykanka ayaa carabka ku dhuftay in weeraradan ay suuragal tahay in loo adeegsado gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana digniintan la gaarsiiyey Level 4 oo ah halka ugu sareysa, tilmaameysana in Soomaaliya aan loo safri karin.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in khatarta weeraradan ay sareyso, iyadoo shacabka loogu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray gudaha Caasimada, waxaana walaac ba’an uu ku abuuray dadka rayidka ah, kuwaas oo inta badan ay khasaare ka soo gaaraan weerarada Al Shabaab.