Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday, islamarkaana xiray ugu yaraan saddex qof Talaadada maanta ah, iyadoo boqolaal qof ay ka mudaaharaadayeen mowjado dilal ka dhan ah haweenka ah, sida ay sheegeen dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Dhowr boqol oo qof – oo u badan dumar – ayaa socod ku maray caasimadda Nairobi, halkaas oo ay ku qeylinayeen kuna dhawaaqayeen, “Jooji dilka haweenka! Waxa si is-daba joog ah u kala eryayey ciidamo boolis ah oo gawaari ka soo ridayey sunta dadka ka ilmaysiisa.
Dibad-baxyada ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Lodwar, sida ay muujinayaan muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada.
Dibad-baxayaasha Nairobi ayaa ahaa kuwa nabad-galyo ah, mana cadda sababta ay booliisku u soo farageliyeen. Afhayeenka ciidanka booliska qaranka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah Irungu Houghton, oo ah agaasimaha fulinta ee Amnesty International ee Kenya, sida ay Amnesty ku sheegtay bayaan ay si wadajir ah u soo wada saareen saddex hay’adood oo kale.
“Dibadbaxan wuxuu ahaa mid geesinimo ah oo looga soo horjeedo dilka haweenka, dalab deg-deg ah oo lagu baarayo dilalkaas iyo baaq ku aaddan in lala xisaabtamo dambiilayaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Jawaabta rabshadaha leh ee booliisku… waa weerar toos ah oo lagu qaadayo mabaadi’da dimoqraadiga ah ee Kenya iyo xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinteeda.”
Intii u dhaxaysay Agoosto iyo Oktoobar, ugu yaraan 97 haween ah ayaa lagu dilay Kenya, kuwaas oo ahaa dilal ula kac ah, oo ay dhiiri-geliyeen sababo jinsi, sida uu sheegay Booliska Qaranka.
Booliisku ma aysan bixinin tirokoob ka horreeya muddadaas, laakiin marka la eego tirooyinka ay soo ururiyeen Xarunta Xogta Afrika ee ku saleysan warbixinnada warbaahinta, waxaa jiray ugu yaraan 75 dumar ah oo la dilay 2022 iyo 46 sanadkii ka horreeyey.