Gudaha Muqdisho Ku dhawaad 800 oo arday oo baratay Farsamada Gacanta ayaa maanta u fadhiisatay imtixaan ay ugu baratamayaan fursado shaqo oo ka bannaan shirkada korontada Beco, waxaana imtixaanka ay ku galeen xarunta Jaamacada Hormuud ee degmada Hodan.
Ardayda imtixaanka u fadhiisatay oo badankood ahaa dhallinyaro ayaa farsamada gacanta ka bartay Machadka tababarada Banaadir, kaas oo bahwadaag la ah shirkada korontada Beco, oo sanad walba Machadkaasi ka xulata ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka fursada shaqo abuurka.
Madaxa qeybta fulinta shirkada korontada Beco Cali Maxamed Kaariye, oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa dhallinyarada imtixaanka u fadhiisatay kula dardarmay in ay dadaal muujiyaan, wuxuuna xusay in ay ka go’an tahay in ay shaqo abuur u sameeyaan tiro badan oo ka mid ah ardayda imtixaanka gashay.
Mowliid Faarax Cilmi oo ah Agaasimaha Machadka tababarada ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay shaqo abuur ugu sameyn lahaayeen dhallinyarada Machadkooda ka aflaxda.
Gudoomiyaha degmada Hodan Cali Axmed Faarax, ayaa soo hadal qaaday daruufaha shaqo la’aaneed ee ay wajahayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taas oo uu xusay in ay kaalin ku leedahay amni darada jirta, wuxuuna ku baaqay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada.
Wasiiru dowlaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aaden oo madasha goobjoog ka ahaa, imtixaankana daah furay ayaa bogaadiyey tallaabadan fursada shaqo loogu abuurayo ardayda baratay farsamada gacanta.
Daruufaha shaqo la’aaneyd ee hareysay dhallinyarada Soomaaliyeed oo maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheysa, ayaa dhallinyaro badan ku xanbaartay in ay u bareeraan khataro kala duwan oo uu ugu horeeyo tahriibka.