Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu saacadihii aynu ka soo gudubnay gaaray dalka Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan, waxaana sida madaxtooyada Turkiga ay xaqiijisay kulankooda lagu faaqiday qodobo laga xusi karo xoojinta iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, iyadoo sidoo kale la soo hadal qaaday ahmiyada ay leedahay iskaashiga amniga ee labada dal.
Kulanka labada Masuul ee Ankara waxaa dhinaca Turkiga ka qeyb galay Wasiirka difaaca Turkiga , Yasar Guler iyo taliyaha hay’adda sirdoonka dalkaasi , İbrahim Kalın halka dhanka Soomaaliya sawirrada la soo bandhigay lagu arkay oo qura wasiirkii hore ee difaaca, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, kaas oo aan weli xilka wareejinin una muuqda nin kursiga wasaarada isku dhajinaya.
Socdaalka Xasan oo waqti xasaasi ah ku soo aaday iyo ahmiyada uu Turkigu xilligan iyo sanadihii la soo dhaafay u lahaa Soomaaliya ayaa dad badan ku dhalisay weydiin ah sababta uu Madaxweynuhu ula shir tagi waayey xubno fir fircoon oo waxgal ah iyo saraakiisha ku lugta leh howlgalka socda ee la-dagaallanka AS, maaddaama Turkiga dhankiisa uu miiska wada hadalka soo fadhiisayey rag miisaan leh, oo masuuliyado muuqda ka haya Dalkaasi.
Safarka Xasan Sheekh iyo ka garab muuqashada Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Cabdul qaadir Maxamed Nur Jaamac, ayey Siyaasiyiin badan ku micneynayaan habacsanaan iyo talo xumo, halka kuwo kalana ay Xasan ku eedeynayaan inuu noqday Madaxweyne keligii duul ah, oo xiligan adag aan cidna ka tala galineynin arrimaha ahmiyada ballaran ugu fadhiya dalka.
Waxaa kale oo ceeb iyo fadeexo hor leh noqotay in kulankan laga reebo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Fatxu diin cali maxamed, oo udub dhexaad muhiim ah u ahaa xiriirinta dooda kulanka,, waxaana safiirka oo ka qeyb galka kulanka isku diyaariyey goor danbe lagu wargaliyey in uusan ku jirin qorshaha Xasan iyo dadka ka garab muuqanaya ee matalaya Soomaaliya, taas oo shacab badan shaki ku dhalisay, bidhaamisana maamul xumida jirta.
Sida laga dheehanayey taswiirta Madaxtooyada turkiga ay baahisay, Wasiirkii hore difaaca keliya ayaa xasan kulanka kala qeyb galay
Wallow aanu ka soo muuqan sawirada lagu daabacay VIlla Soomaaliya, haddana in Xasan Safarkiisa Turkiga uu ku wehliyo Wasiirkii hore ee gaashandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nur ayaa ka dhigan sida aqoonyahano badan ay tilmaamayaan in aanay sidii la filayey u dhaqan gelin isku shaandheyntii dhawaan uu RW ku sameeyey golihiisa Xukuuumadda, waana arrin direysa fariin ah in Xasan aanu ku qanacsaneyn isku shaandheyntaasi.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu dhawaan Xamse cabdi Barre u magacaabay Wasiirka gaashaandhiga ayaa ku guuldareystay dhowr jeer inuu Xafiiska kala wareego Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nur, sababo la xiriira meer meerin, iyo in uu qeyb ka yahay Wasiirada sida aadka ah ugu dhaw Xasan, taas oo diiday inuu masuuliyada gaashaandhiga wareejiyo isla markaana guto waajibaadka wasaarada loo magacaabay oo ah tan Dekadaha iyo Gaadiidka.
Ku tiirsanaanta qoyska Madaxweynaya oo uu aad ugu dhawyahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga, ayaa keentay in hilin qarda jeex ah uu ku hoggaamiyo ciidanka qaranka, taas oo ciidamada qaranka gaarsiisay heerka ay maanta joogaan oo ah mid aad u liita, waxana sida lagu eedeeyo mudadii uu xilka hayey bur bur xoog leh uu ka dhacay ciidamadii qaranka, isagoo dhulka la simay tayadii, quwadii iyo sumacdii ay lahaayeen, intabada
Wasaarada Gaashaandhiga ayaa maanta kaalinta koowaad ugu jirta hay’adaha ugu shaqada yar dalka, xili marxalad dagaal uu wadanku ku jiro, Waxaana wasiir Cabdul qaadir Maxamed Nur lagu dhaleeceeyaa fara gelin ku aaddan hoggaanka ciidamada qalabka sidda, kuwaas oo dhowr mar dacwad ka geeyey xafiisyada dalka ugu sareeya, balse waxba ay laga qaban waayey, maadaama u ka gaws heysto Madaxweynaha.
Wasiirkii hore ee gaashandhiga oo weli ka masuugaya wareejinta xilka, ayaa eedaha loo jeedinayo waxaa qeyb ka ah inuu marar kala duwan hor-istaagay qorshe iyo istaraatiijiyad ay dajiyeen hoggaanka ciidanka, oo ku saleysan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxana habacsanaanta howshiisa iyo faragelinta hoggaanka ciidamada ay sababtay in maalin ka hor Al Shabaab ay dib u qabsadaan masjidka Cali Gaduud, inkastoo shalay argagixisada deegaankaasi laga saaray.
Si Kastaba Turkiga oo ka mid ah saaxiibada ugu cad cad ee Soomaaliya, taageero kala duwana la garab taagnaa dowladihii Xafiiska isaga danbeeyey 15-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa intii uu kulankan socday Xasan u ballan qaaday garab istaag rasmi ah, waxaase Quburo badan ay madaxweynaha kula talinayaan inuu ka feejignaado Wafuuda uu u xulanayo dalalka muhiimka u ah Soomaaliya, si hadba nuxurka dooda miiska lala fariisanayo ay u qaadaa dhigaan rag qibradeeda leh, loogana baaqsado baratakool xumo.