Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo dhaliilo u jeediyay Dowladda Federaalka.
Deni oo khudbad ka jeediyay Boosaaso ayaa sheegay in dhaqdhaaqyada iyo aas aaska ururka JSP ee lagu dhawaaqay ay ka soo horjeedaan.
“Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku beddeleen xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, taasina waa khalad” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Deni.
Sidoo kale, isaga oo sii hadlaya wuxuu sheegay in Soomaalida u baahan yihii wadashi iyo wada hadal si loo xalliyo khilaafka taagan.
“Soomaalida waxaa ay u baahan yihiin wada hadal, Puntland ahaan mowqifkeena Xaaaladda dalka waa sheegi doona” ayuu yiri Saciid Deni.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli muddo sanado ah uu ka maqan yahay shirarka golaha wadashiga qaran.