5- qof oo ka mid ah Soomaalida Degan Minnesota ayey xeerbeegtida ku heleen denbi, iyadoo labbo qof oo kale lagu waayey wax denbi ah oo la xiriira eeda dadka Soomaalida ah loo heysto.
Dadkan Soomaalida ah ayaa loo heystaa shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta gobolka Minnesota, waxaana kiiskan uu dhacay intii lagu guda Jiray masiibada COVID19, oo soo ifbaxday 2019.
Soomaalida denbiga lagu helay ayaa kala ah: Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur.
Sida la sheegay keliya $50 milyan ayaa la soo celiyey in ka badan $250 milyan, oo uu Fedraalka ugu tala galay in lagu quudiyo caruurta gobolka Minnesota.
Intii ay socotay eedaha loo jeedinayo dadka Soomaalida ah, ayey sameeyeen isku dayo la xiriira in ay laaluushaan xeerbeegti, waxaana qofka falkan ku kacay uu xeerbeegtiga u geeyey lacag dhan $120,000 oo caddaan ah, inkastoo Xeerbeegtigaas la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay, iyadoo FBI-du ay wado baaritaano qoto dheer oo arrintan laaluushka ku saabsan.
Dadkan Soomaalida ah ee denbiga lagu helay ayaa ka mid ah 70 eedeysane, oo loo heysto kiiskan, waxeyna noqonayaan kuwii ugu horeeyey ee Maxkamad la soo taago.
Dacwad oogayaasha ayaa kiiskan ugu yeeray mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka, waxaana lagu eedeeyey in si weyn ugu xad gudbeen nidaamka gobolka.