Kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gebagabeyso heshiiska uu kooxdaasi ku imaanayo daafaca kooxda Ajax Jurrien Timber.
Wada hadal toos ah kadib Arsenal ayaa ugu danbeyn maanta Ajax ku qancisay in heshiiska xidigan lagu dhameeyo lacag gaareysa €40m oo lagu daray €5m oo kale
Heshiiska oo ah mid aan shaki ku jiran ayaa qasab noqday in maanta la soo gebagabeeyo, sababo la xiriira xidiga oo xiiseynaya kooxda Arsenal.
Jurrien Timber ayaa xoojin doona daafaca Arsenal, waxaana xidiga uu qeyb ka yahay qorshaha dib u habeynt uu macallin Arteta ku wado kooxda Arsenal, oo sanadkii tagay bandhig fiican ka muujisay horyaalka Ingiriiska, iyagoo ku dhameysatay kaalinta labaad.