Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Baaqyadan ayaa ku aadan in isbedel muuqda oo rasmi ah lagu sameeyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo si aad ah ay mudooyinkii ugu danbeeyey u dalabanayeen dalalka Afrika.
Afrika ayaa muddo dheer ku baaqeysa in matalaad joogto ah ay ka hesho golaha ammaanka ee ugu sarreeya adduunka, waxaana ilaa iyo iminka aanan hirgalin dalabkooda, kaas oo suurtagalnimadiisa shaki la galinayo.
Wasiirka gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa wuxuu sheegay in dib-u-habeyntu ay kor u qaadi doonto ka-qayb-galka iyo qoto-dheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka.