Kadib 72 saacadood oo xabad joojin ah waxaa dib u billawday dagaalkii ka socday Sudan.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay magaalooyinka Khartoum iyo Umudurman, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan la sheegin tiro sugan.
Dirirta dhex mareysa ciidamada kala taabacsan militariga Sudan iyo ciidamada RSF, ayaa socda wax ka badan labbo bil, welina ma muuqdaan xal la isugu soo dhaweynayo dhinacyada.
Dagaalka ka socda Sudan oo bur bur lixaad leh gaarsiiyey caasimada ayaa waxaa ku barakacay dad gaaray 2.5 milyan, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay.