Dagaal xooggan ayaa maanta ka dhacay afaafka hore, ee Madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan Hirshabelle, waxaana dagaalkooda uu yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay.
Dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana uu galaaftay nolosha 1 Askari, iyadoo kuwo kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana weli cakiran xaaladda.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah kuwo rayid ah, waxaana loola cararay xarumaha caafimaadka, si xaaladooda loola tacaalo, maaddaama ay ku jiraan kuwo xaaladoodu daran tahay.