Dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, ayaa waqtigan ka soconaya duleedka Magaalada xarardheere ee gobolka Mudug.
Goobta uu dagaalku ka soconaya oo 20-km u jirta Magaalada Xarardheere, ayey Al Shabaab ku lahaayeen labo saldhig, waxaana daqiiqado ka hor weerar ku qaaday ciidamada dowlada Soomaaliya, oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug.
Qaar ka tirsan warbaahinta Muqdisho oo la xiriiray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Dhame Macallin Cabdi Daa’uud, ayuu u sheegay in dagaalkan uu yimid kadib xoggo ay heleen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana goobta ay ku dagaallamayaan ka barakacay dad rayid ah oo u badnaa xoolo dhaqato.
Ilaa iyo iminka lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalkaasi, oo qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka dowladdu kula jirto Al Shabaab.
Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaad kala socon doontaan wararkeena Xiga hadduu alle raalli ka noqdo