Soomaaliya waxey cagaha la sii galeysaa marxalad aan qurux badneyn, waxaana maalmihii ugu danbeeyey soo kordhayey dagaallada Sokeeye ee u dhaxeeya beelaha ood-wadaagta ah, taas oo ah wixii dalkan bur burka u horseeday, balse u muuqda iminka mid aanay Soomaalidu wax daruus ah ka dhaxlin,marka la milicsado car carta iyo xiisaha ay u qabana dirirtan sokeeye.
Dagaal beeleedyadan oo dhinbiishoodu sii qarxeyso, ayaa loo sababeynayaa hoggaan xumi jirta, waxaase dadka qaarkood ay tilmaamayaan in ay hoosta ka riixayaan siyaasiyiin ka soo horjeeda qorshaha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inuu fashil hareeyo Dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh.
Inkastoo inta badan dalka ay ka socdaan dagaalada qabaa’ilada Soomaalida ka dhex aloosan, haddana xiisada ugu daran ayaa ah, tan waqtigan biraha la isku soofeysanyo ee ka taagan deegaanada Hirshaballe.
Xiisadan beeleed, ayaa hadda ah tan ugu saameynta badan, waxaana la rumeysan yahay in ay soo de dejin karto, fashilka dowladda Xasan Sheekh, maaddaama labada beel ee is haya ay yihiin kuwa ehel dhaw la ah ninka talada dalka haya.
hase ahaatee Waxaa la is weydiinayaa xilligan waxyaabaha ka soo baxay kulamadii ugu danbeeyeyey ee dhinacyadu yeesheen, ee lagu xalinayey xiisada taagan.
sida xogaha rasmiga ah sheegayaan, waxaa natiijo la’aan ku soo idlaaday wada hadaladii iyo dadaaladii ay toddobaadkan gobolka Hiiraan ka wadeen, Odayaal dhaqameedkii Xamar ka tagay iyo Taliyaha hay’ada Sirdoonka NISA, waxaana beesha Hiiraan degta ee tabashada qabta ay sheegtay in wada hadalada guul laga gaarayo marka gacanta lagu soo dhigo, maleeshiyaadkii dhawaan dilay askartii dowladda ka tirsaneyd ee heyb ahaan gobolkaasi ka soo jeeday, halka beeshii falka geysatana ay diidan tahay in ay dowladda ku soo wareejiso eedeysanayaasha, taas oo xaalka sii cakireysa.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Cabdulaahi Sanbaloolshe ayaa isna ku guuldareystay inuu dib u celiyo ciidamada faraha badan ee ka soo tagay furimaha hore ee dagaalka, sababo la xiriira xiisadan awgeed, wuxuuse iminka arrintaasi in ay kala shaqeeyaan ka codsaday Waxgaradka labada dhinac, si looga baaqsado dhiig hor leh oo daata.
Sidoo kale baaqyada ay maalmahan jeedinayeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumada, aqoonyahanada iyo odayaasha dhaqanka ayaanan soo kordhin wax natiijo ah, waana arrinta sare u qaadeysa wal wal ay shacabka Soomaaliyeed ka muujinanayaan halka ay colaada ku biyo shuban doonto iyo dhaawaca ay arintan u geysaneyso dowladnimada hana qaaday dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale Saameyn intee la eg ayey dagaal beeleedyadan ku leeyihiin Al Shabaab, fursad ceynkee ah ayaase ugu jirta?
Sida ay la socdaan qubrada amniga aqoonta u leh, marka laga soo tago siyaasiyiinta danleyda ah, Al Shabaab ayaa oqoneysa cida labaad ee doorka ballaaran ka qaadata soo noq noqoshada dagaalada beelaha, waxaana sida la rumeysan yahay uu ururka Al Shabaab arrintaasi ku bixiyaa dhaqaalle kala duwan, isagoo dakhligaasi soo marinaya xubnaha iyaga ka tirsan ee ka soo kala jeeda hadba labada beelood ee diriraya.
arrintan ayey kooxdu ka dhex aragtaa qorshe ay uga kabsan karto, weeraradii kala duwanaa ee loo joogteeyey mudooyinkii ugu danbeeyey, waxaana dhanka kale ay u tahay fursad ay dib isugu abaabuli karto cudud ahaan, una qabsan karaan deegaano cusub, maaddaama sida iminka taaganba ay ciidamada badankooda soo baneynayaan furimaha, si ay beelahooda uga garab dagaallaamaan.
Haddaba Maxaa waqtigan looga baahan yahay Madaxweynaha dalka?
Dagaal beeleedyadan ayaa ah xujo adag oo hortaalla Xasan Sheekh, waxaana sii socosashadooda ay halis ku tahay qorshayaasha kala duwan ee looga fadhiyo, gaar ahaan tan doorashada dad weynaha, waxaase sida indheergaradku ku talinayaan lama huraan ah, in Madaxweynaha uu u muuqda mid ka sii jeeda arrintan, uu u dhaba galo xal u helida colaadahan, waxaase haddii uu ku guuldareysto daminka dabkan shidan ay dowladiisu cagaha galineysaa fashil mustaqbalka dhaawac u geysta hankiisa siyaasadeed Iyo halku dhigiisii ahaa Soomaali heshiis ah.