Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka socdo deegaanka Dooxada Dureera, oo u dhaxaysa Damala-xagare iyo Dawaco.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo ismaandhaaf ka dhashay dhul daaqsimeedka Dureera, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ku dhowaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkan, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada la geeyey xarumaha caafimaadka gobolkaasi.
Dagaallada beelaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqday gobolka Sanaag. bishii Agoosto 2023, dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof ayaa ka dhacay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.
Sidoo kale, bishii December 2023, dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dararweyne ayaa sababay dhimashada saddex qof, waxaase xusid mudan in Gobolka Sanaag uu ka mid ahaa meelaha ugu degan ee dhamaan gayiga Soomaalida.