Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Hirshabelle ka socday dagaal beeleed u dhaxeeya labbo beel oo walaalo ah.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Qailimow iyo Bacaadley oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.
Labada beelood ayuu dagaalkooda ka billawday dhul beereed halkaasi ku yaalla, kaas oo mid walba ay sheeganeyso milkiyadiisa.
Xiisada ayaa weli taagan, iyadoo ay muuqdaan khasaarihii ka dhashay dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxgaradka deegaanka ayaa maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay soo kala dhex galaan beelaha is haya, ilaa inta aanay sii fidin dirirta.