Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay barakiciyeen dagaalladi iyo duqeymihi ay ciidamada Isra’il ka wadeen Koonfurta Lubnan, ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan guryahooda, kaddib marki ay dhaqan gashay xabbad-joojinti la kala dhax dhigay Isra’il iyo Xizbullah.
Iyagoo wata baabuur ay ku raran yihiin alaabahooda gaarka ah, isla markaana ka dhego adaygay digniino uga yimid ciidammada Lubnaan iyo Israa’iil oo ku baaqayay inay ka fogaadaan meelaha qaar, ayay dadkaan xalay ku hoydeen guryahooda oo ay intooda badani ay burburiyeen madaafiicda culus ee ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaallamay.
Xabbad joojinta ayaa haddii ay sii waarto soo afjari doonta, ku dhawaad 14 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xizbullah.
Dagaalka ayaa billowday wixi ka danbeeyay 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Koonfurta Isra’il. Xamaas ayaa maalinti ku xigtayba duqeymo ku billowday Waqooyiga Isra’il, halka Isra’il ay duqeymo iyo dagaal arrintaasi uga jawaabtay.
Hase yeeshee bartamihii bishii Sebtembar ayuu isu beddelay dagaal dhan walba ah, kaddib marki ay Isra’il weerar toos ah ku qaadday Lubnan, iyo duqeymo ay ku dishay qaar ka mid ah madaxdi sare ee Xizbullah oo uu ku jiray Xasan Nasrallah.
Inkasta oo uu heshiis xabad-joojin ah ka hirgalay Lubnan iyo Waqooyiga Isra’il, haddana waxaa wali socda dagaalka Gaza, halkaas oo ay Isra’il wali sii waddo madaafiicda ay ku garaaceyso Marinka Gaza.