Muwaadiniinta Caasimada Ku nool waxey si joogta ah u bixiyaan Canshuuro kala duwan oo ay dowladnimada ku waajib yeeshay, balse ma jiro adeeg dib ugu soo laabta., taas oo ku qasbeysa in walaac ba’an muujiyaan.
Gudaha Muqdisho marka ay caasha ka soo muuqdaan daruuri biyeysan oo cishadaas di’i raba, waxey bulshadeeda u noqotaa maalin madow, sababtuna waa wal walka ay shacabku ka qabaan saameynta uu nolol maalmeedkooda ku yeelanayo biyaha roobka oo meel walba oo magaalada ah fariisanaya, taa oo hakineysa dhaq dhaqaaq walba oo nololeed oo magaalada ka jira, galaafaneysa nolosha dad rayid ah.
Wadooyinka magaalada waxey isugu jiraan kuwo bur bursan oo uu qashin buux dhaafiyey halka kuwa dib loo dayactiray Badankood, kolka uu roobku da’o ay adag tahay maristooda, waxaa intaas dheer saameynta ay daadku ku yeeshaan guryaha shacabka caasimada iyo xanibaada howlahooda ganacsi.
Daruuftaas oo jirta, weli gobolku wuxuu doonayaa in canshuurta la bixiyo, waxaana aroortii hore goobaha ganacsiyada ku jarmaada askari qori sita oo minishiibiyo ah, kaas oo haddii uu maqlo weedh ka duwan lacagta hoo, tallaabadii uu doona ku dhaqaaqa, xitaa haddii ay nqoto mid ay u go’eyso naf.
Canshuurta oo ah masuuliyad shakhsiyadeed, Muwaadin walba ku waajib ah, waxey door ka qaadataa kobaca dhaqaalaha, iyadoo yareysa saboolnimada, waaana tu saamaxda in bulshada ay dib u helaan adeegyo ay ka mid yihiin: Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha wadooyinka. balse shacabka Muqdisho taasi waa ka qatan yihiin
Haddaba Dakhliga Canshuurta ka soo xarooda ee ku dhaca Xafiiska maaliyada Dowladda Hoose, Maxaa lagu qabtaaa, sideese cabashada muwaadiniinta loo xalin karaa?
Dhamaan Weydiimahan iyo Su’aal walba oo madaxda gobolka la hordhigo,wey adag in ay jawaab sugan bixiyaan,
isku duubni la’aanta bulshada ayaa noqotay mid beylah ka dhigtay muwaadiniinta, mana oga xuquuqda lagu leeyahay iyo tan ay leeyihiin sidoo kalana ma hayaan marinkii ay u mari lahaayeen raadinta xuquuqda ka maqan, taa oo ku qasabtay in ay qaayibaan ama la noolaadan daruufahan iyo ku u dhigtan balse ilaa intee ayey qaadan kartaa in ay cududooda mideeyaan isla markaana ay raadsadan xuuqdooda dowladnimada uga dhex maqan.