Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu dhex dhexaadiyay Pakistan iyo Hindiya , kaddib wada-hadallo waqti dheer qaatay oo ugu dambeyntii heshiis rasmi ah ay labada dal ka gaareen xiisaddii u dhaxeysay, isagoo sii hadalaya wuxuu yiri ; “Kadib habeen dheer oo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey, Hindiya iyo Pakistan waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah.
Mareykanka, Turkiga iyo Sacuudiga ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay dadaalladii lagu joojiyay iska horimaadkii toddobaadyadii u dambeeyay u dhaxeeyay Pakistan iyo Hindiya , sida u xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan
“Raysal wasaareyaasha Modi iyo Sharif ay muujiyeen xikmad, dulqaad iyo hoggaan dooranaya waddada nabadda, taas oo mudan bogaadin.” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Rubio ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ay 48-kii saac ee lasoo dhaafay la kulmeen saraakiil sare oo ka kala socotay Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan raysal wasaareyaasha Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif.
Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa ku baaqay in xabbad joojinta Hindiya iyo Pakistan ay ahaato mid waarta, kaddib markii la sheegay inay isku dhacyo ka soo cusboonaadeen xadka labada dal, isagoo intaa ku daray in maalmihii u dambeeyay uu Ingiriiska si weyn isugu howlay joojinta iska horimaadyada labada dal, sida ay werisay BBC-da.