Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay xeebaha dalka Comoros ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen oo mareysay badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Doonta ayaa degtay xilli goor dambe ah, waxayna ku degtay inta u dhaxaysa jasiiradaha Anjouan iyo jasiiradda Faransiisku maamulo ee Mayotte, oo lagu tilmaamo meelo aad u halis badan.
Sida xiliyo kala duwan dhacday kumanaan qof ayaa horay ugu naf waayeen tobannaankii sano ee la soo dhaafay marin biyoodka u dhaxeeya jasiiradaha Anjouan iyo jasiiradda Mayotte
Muhaajiriin badan oo galbeedka Afrika ka tacabiraya ayaa si joogto ah naftooda ugu biimeeya jidka halista badan si ay u gaaraan dalalka qaaradda hodantay ee Yurub.