Dab xooggan ayaa saaka ka kacay Suuqa Fadhisame oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dabkan oo aan ilaa hadda la shaacin sababtii keentay ayaa lagu soo warramayaa in uu guud ahaanba qabsadat wixii agab iyo dhisme ahaa ee xaruntu lahayd, waxaana sidoo kalena la sheegayaa dhawaacyo soo gaadhey dad halkaas gurmad ahaan ku tegay.
Kooxaha Gadiidka dab damiska ayaa ku guulaystay in aanu dabku ku fidin magaalada inteeda kale, waana arrinta yareysay khasaaraha.
Mudooyinkii ugu danbeeyey wuxuu dab ka kacayey suuqyada deegaanada Soomaalida, lamana ogga waxyaabaha rasmiga ah ee ka danbeysa arriintaasi.