Daafaca dhexe ee kooxda Everton Jarrad Branthwaite ayaa heshiis amaah oo hal xilli ciyaareed ah ugu biiray kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven.
20-sano jirkaan ayaa 13 kulan u saftay kooxda Everton, isagoo u dhaliyay hal gool, waxaana uu saxiixay qandaraas cusub bishii December kaasoo kooxda ku sii hayn doona ilaa 2025.
PSV Eindhoven waxaa maamula weeraryahankii hore ee Manchester United Ruud van Nistelrooy, kaasoo xilka tababarenimo qabtay bishii March.
Waa markii labaad ee Branthwaite la amaahiyo tan iyo markii uu yimid Goodison Park isagoo horay ugu soo ciyaaray Blackburn Rovers.