Xamse Cabdi Barre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa tuhunka ka saaray safarka la hadal hayo inuu ku tagayo Laascaanod, wuxuuna xaqiijiyey bilawgii todobaadkan inuu dhawaan gaarayo Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood
Safarkiisa ayaa imaanaya xilli socdaalkan ay si aad ah uga soo horjeedaan Somaliland iyo Puntland, kuwaa oo siyaasad ahaan diidan in khaatumo ay noqoto maamul miisaan leh oo dowladda dhexe xubin ka ah.
Diidmada maamulladan oo deegaanadaasi ku kala leh awood ciidan iyo mid, ayaa la sheegayaa in ay ka dhalan karto saameyn amni, taas oo halis ku noqota RW Xamse Cabdi Barre, Maadaama Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran ay sanadihii ugu danbeeyey wajahayeen marxal coladeed.
Dadka reer Laascaanood iyo deeganada SSC ayaa go’aan cad ka qaatay ka sii mid ahaanshaha Somaliland, waxaana dagaal ay la galeen maamulkaasi ay kaga saareen inta badan deegaanadooda, wallow meelo badan oo deeganada SSC ah uu ka arimiyo Somalialand hadana waxey bulshadaasi yagleeleen maamul cusub oo la magac baxay Khaatumo.
Inkastoo Khaatumo dowladda dhexe aanay ka helin meeqaamkii ay mudneyd, haddana dowladda dhexe ayaa u aqoonsatay maamul KMG ah, balse Booqashada Xamse ayaa maamulka u noqon karta fursad muhiim ah oo kaalin ka qaadaneysa xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe.
Socdaalka Xamse ayaa la filayaa inuu sidoo kale caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC, wallow ay xusid mudan tahay in caqabado amni ay ku gadaaman yihiin deegaanada SCC
Geesta kale Somaliland oo aanan weli ka tanaasulin damaceedii ahaa in ay gacanteeda ku soo celiso Laascaanood, oo ay ka arrimineysay 15-kii sano ee ugu danbeysay, ayaa ka hadashay safarka RW Xamse ee Magaaladaasi, waxeyna ku goodisay in Xamse uu ka qoomameyn doono safarka uu ku imaanayo Laascaanood.
Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Faarax Cismaan, oo warbaahint la hadlay ayaa RW Xamza ku eedeeyay inuu Laascaanood keynayo mashruuc hurinaya colaadda Sool iyo Sanaag,, Wuxuuna xusay inuu safarkan uga digayo Xamse oo sidoo kale uu ku eedeeyey inuu qeyb ka ahaa ragii huriyey dagaalkii laascanaood ee somalialand looga saaray magaaladaasi.
Dhanka kale Puntland oo iyana Deeganada Khaatumo u aragto in ay qeyb ka yihiin kuwa uu ka arimiyo maamulkooda, ayey xoguhu sheegayaan in safarkan ay si aad ah uga carootay, iyadoo la ogyahay heerka maanta uu joogo xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland oo ah mid aad u liita.
Puntland ayaa maamulkeeda kuraas ka siisa xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda Khaatumo, maadaama ay u aragto dhul ka tirsan goobaha ay maamusho, waxaana dhowr jeer ay is hortaagtay dadaalo Khaatumo loogu aqoosan rabay maamul dhameystiran, halka ciidamada Puntland ay door muuqda ku lahaayeen dagaalkii laascaanood looga saaray Somalialnd, iyagoo welina halkaas ku leh quwad ciidan oo la taaban karo,, taas oo bidhaamineysa halista uu RW kala kulmi karo Safarkan.
Caqabadahan jira iyo diidmada labada maamul ee uu khaatumo oodwadaagta la yahay, waxey soo de dejin karaan, culeys amni oo saameyn ku yeesha Wasiir koowaad ee dalka Xamse Cabdi Barre, kaas oo aan weli dejin qorshe amni oo safarkiisa uu ku soo gudanayo.
Si kastaba Maamulka SCC Khaatumo oo ah mid ay ka go’an tahay isku keenida Soomaalida koonfur iyo waqooyi iyo ka tashiga aayihiisa ayaa wado diyaar garow xooggan iyo qorshayaal lagu sugayo amniga RW, inkastoo aysan lahayn ciidan awood leh oo ka shaqeyn kara sugida amniga Xamse,, sababo la xiriira maamulka oo dhawaan gal ah iyo in aanu helin cid ka caawisa tababrada iyo qalabeynta ciidamo adag oo uu maamulku yeesho.
Amniga Safarka RW oo shaki la galinayo, ayey dadka qaar xusuus ahaan dib u gocanayaan Falkii October 15–keedii 1969-kii ka dhacay Laascaanood, halkaas oo waqtigaas lagu dlay madxaweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaas oo horena dalka uga soo noqday RW, waxaana dilkaas oo ahaa mid qorsheysan fuliyey nin ka mid ah ilaaladiisii,
Inkastoo badankooda ay lumiyeen haddana Deegaanada Ssc ayaa laf dhabar u ahaa qorshaha gooni u goosadka Somaliland,, waxaana tallaabadani ay u muuqataa mid dowladda dhexe ay uga hortageyso yoolka somaliland, oo mudooyinkii ugu danbeysay sameyneyey dadaalo xooggan, dowladdu uu Mareykanku ka mid yahayna ku qancinayey fekirkooda gooni isu taaga.
Si kastaba socdaalka Xamse ee Lascaanood ayaa noqoneysa mid dunida fariin u direysa kana dhignaan doonta in Somaliland aanay si buuxda gacanta ugu heyn gobolada waqooyi Somaaliya,, taas oo hakineysa in la tixgeliyo codsigooda isi soo taraya ee aqoonsi doonka ah.