Isusocodkii shixnadaha ee marinka Hurmus, una dhexeeyey Iiraan iyo Cumaan waa uu istaagay, marinkan oo uu maro shan meelood meel batroolka iyo gaaska badaha la isugu gudbiyo, lagana keeno Khaliijka Carabta ee hodanka ku ah shidaalka. Isusocodka marinkani waxa uu xidhmay ka dib weerarkii Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan subaxnimadii sabtida, 28-kii Feebarweri. Sida laga xigan karo Reuters iyo Bloomberg, judhii hawlgalka ka dhanka ah Iiraan uu bilaabmayba, shixnadaha marayey marinkani waxa ay Ciidamada Ilaalada Kacaanka ka heleen digniino loogu sheegay in aan la oggolayn in markab shixnad sidaa ka gudbo marinkan Hurmus. Arrinkani waxa uu sababay in maraakiibta shidaalka qaaddaa isku soo gaadhaan meel ka baxsan marinka, sida laga soo xigtay Bloomberg.
Maersk oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn rarka shixnadaha, ayaa, sidoo kale, shaacisay in ay joojisay maritaankii maraakiibteeda ee marinka Baab al-Mandab iyo kanaalka Suways, oo ay doonyaheeda rarku ka wareegi doonaan Marinka Koonfurta Afrika “Cape of Good Hope”. Sidoo kale, ilo dalka Cummaan ah ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday markabka Skylight ee shidaalka kaas oo sitay calanka Palau, oo noqday markabkii ugu horreeyey ee la bartilmaameedsado, afar qof oo shaqaalaha markabka ka mid ahaa ayaa ay waxyeello kasoo gaadhay weerarka. Markabkan, oo cunaqabataynta Maraykanku saarnayd tan iyo 2025, waxa lagu tuhunsanaa in uu shidaalka Iiraan u tahriibiyo dalalka Khaliijka.
Marinka maxaa soo mara?
Sida ku xusan xogaha Wakaaladda Xogaha Tamarta Maraykanka (EIA), shidaalka qaydhin iyo waxsoosaarrada batrool ee sannadkii 2024 ka gudbay marinkani waxa uu gaadhay 21 milyan oo foosto maalinkii, oo ah xaddi u dhigma boqolkiiba 20 guud ahaan xaddiga shidaal ee dunidu adeegsato, sidoo kalena u dhiganta rubuc ahaan ganacsiga shidaalka ee badaha la mariyo. Marinkan Hurmus waa halbawlaha shidaalka dalalka Khaliijku maro, waxaana ugu horreeye Sacuudiga, Imaaraadka, Ciraaq, Kuwayd iyo isla Iiraan.
Xogtani waa xaddiga shidaal ee dalalka Khaliijka ka mara marinka Hurmus: Sacuudiga: 5.3 milyan oo foosto, maalinkii, Ciraaq: 3.2 milyan oo foosto, maalinkii, Imaaraadka: 1.8 milyan oo foosto, maalinkii, Iiraan: 1.5 milyan oo foosto, maalinkii, Kuwayd: 1.4 milyan oo foosto, maalinkii, Qadar: 600 kun oo foosto, maalinkii.
Shidaalka marinkan sida maalinlaha ah uga gudba, 83% waxa iibsada dalalka Bariga Eeshiya oo ay ugu horreeyaan saddexda dal ee kala ah Shiinaha, Hindiya iyo Koonfurta Kuuriya, kolka la eego xogihii 2025.
Ka sokow shidaalka, gaaska dareeraha laga dhigay ee rubucii hore ee 2025 marinka Hurmus si maalinlaha uga gudbayey waxa uu gaadhay 11.5 bilyan fuudh oo saddex jibbaaran, oo ah xaddi u dhigma boqolkiiba labaatan xaddiga ganacsi ee gaaska dareeraha laga dhigay dunida oo dhan. Qadar oo keli ah ayaa si maalinle ah marinkan uga gudbinaysay 10.7 bilyan oo fuudh oo saddex jibbaaran, oo ah boqolkiiba saddex iyo sagaashan (93%) xaddiga gaas ee marinkan ka gudbayey, waxaana kusoo xigay Imaaraadka oo boqolkiiba toddoba lahaa (7%).
Boqolkiiba saddex iyo labaatan (23%) gaaskani waxa uu u socday Shiinaha, boqolkiiba sagaal iyo tobanna (19%) waxa uu gaadhay Hindiya, boqolkiiba toban (10%) waxa lahayd Taywaan, boqolkiiba sagaalna Kuuriyaa Koonfureed, halka Baakistaanna lahayd boqolkiiba siddeed, dalalka kale ee Eeshiyana boqolkiiba toddoba iyo toban. Dhinaca kale, Talyaanigu waxa uu keligii soo dhoofsadaa boqolkiiba lix gaaska mara marinka Hurmus, dalalka kale ee Yurubna waxa ay soo dhoofsadaan boqolkiiba toddoba.
Marinka hore ma loogu adeegsaday cadaadis siyaasadeed?
Marinka Hurmus hore ulama kulmin xidhitaan dhamaystiran, si rasmi ah, se qayb ahaan baa la joojiyey intii uu socday dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan, muddadii u dhaxaysay 1980 ilaa 1988-kii, kolkaas oo weerarrada Iiraan ay gaadheen maraakiibta ganacsi ee ku socday ama ka imanayey dekedaha Kuwayd iyo Sacuudiga. Waxa ay noqdeen weerarro dhaliyey in Golaha Iskaashiga Khaliijku cabasho u gudbiyo Qaramada Midoobay taas oo uu ka dhashay go’aankii Qaramada Midoobay ee Lr. 552, sannadkii 1984-kii, qaraarkan oo lagu cambaareeyey xadgudubyada Iiraan, laguna codsaday in dalalka dagaalku ka dhex socdaa ay ilaaliyaan xorriyadda iskusocodka maraakiibta marinka.
Qaraarkan ka sokow, weli waxa sii jiray iskudayada in la joojiyo isusocodka marinka, iyadoo la bartilmaameedsanayo maraakiibta socota iyo kaabayaasha marinka, arrinkan oo isna keenay in Maraykanku soo farageliyo oo uu qaado hawlgalkii Earnest Will, bishii Julaay 1987, oo lagu galbinayey maraakiibta shidaal ee Kuwayd. Markii dambe, Maraykanku waxa uu gacanta ku dhigay doonni Iiraan leedahay, oo isku dayaysay in ay miinayso marinka, waxa kale oo xigay in Maraykanku duqeeyey goobo shidaal, waxaana hawlgalkani kusoo dhammaaday in Maraykanku bishii Abril 1988 uu weeraro goobo shidaal oo Iiraan leedahay, isagoo ka jawaabayey weerar miinayn ah oo Iiraan dhibaato weyn ku gaadhsiisay doonni Maraykan ah.
Wixii intaa ka dambeeyey, lama xidhin hakadna ma gelin marinka, si kasta oo khilaafka siyaasadeed ee Maraykanka iyo Iiraan u taagnaa, oo weliba xaalado gaar ah cirka isku shareeray, sida sannadihii 2011 ilaa 2012, kolkan oo uu Maraykanku xoojiyey cunaqabataynihii Maraykanku Iiraan saaray, oo markan gaadhay in cadaadiska lagu xoojiyo Bangiga Dhexe ee Iiraan iyo shidaal dhoofinta Iiraan, isagoo Maraykanku ka cabsi qabay koboca awoodda Iiraan ee nukliyeerka. Masuuliyiinta Iiraan waxa ay tallaabadan kaga jawaabeen in ay xidhi doonaan marinka Hurmus, se hanjabaaddaa ka sokow ma ay dhicin in ay tallaabo qaadday.
Cunaqabataynta Maraykanku saaray Iiraan waa ay sii korodhay wixii ka dambeeyey 2011, waxaanay sii badatay kolkii Maraykanku ka baxay heshiiskii Nukliyeerka, sannadkii 2019, muddoxileeddii hore ee Donald Trump, isagoo qaatay siyaasadda cadaadinta kamadambaysta ah. Isla siyaasaddan ayaa sii socotay intii uu madaxweynaha ahaa Joe Biden, iyadoo Iiraan lagu eedeeyey in ay taageertay ururro hubaysan oo gobolka ka jira, halisna ku ah isusocodka marinnada badeed. Kolkii uu Trump mar kale kusoo laabtay maamulka Aqalka Cad, waxa uu soo saaray fulinta siyaasaddii ugu cadaadinta badnayd ee Iiraan lagula dhaqmo, go’aannada cunaqabatayntuna waxa ay gaadheen heerkoodii ugu sarreeyey sooyaalka, iyagoo gaadhay 37 go’aan oo lagu cunaqabataynayo Iiraan iyo kooxaha xidhiidhka la leh.
Hadda maxaa la filayaa?
Il xogogaal ah oo Khaliijka ah, kana ag dhow miisaska talada ee dalalkaas, waxa uu xusayaa in xidhitaanka Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee marinka Hurmus aanu yeelanayn saamayn sidaas u weyn, sababta oo ah waa xidhitaan loo adeegsanayo maraakiibta dagaal ee yaryar, oo Ciidamada Badda ee Maraykanku hor istaagi karaan.
Dhinaca kale, Ilhaam Fakhru, oo ah cilmibaadhe ka tirsan Hindisaha Bariga Dhexe ee kulliyadda Kennedy ee Jaamacadda Harvard, sidoo kalena ah qoraaga buugga “Heshiisyada Ibraahiimiga”, waxa ay xusaysaa in istiraatiijiyadda Iiraan u dan leedahay soo bandhigidda khasaaraha ka dhalan kara weerarrada uu ku qaaday dalkeeda, iyadoo khasaaraha ku xawilayasa dalalka khaliijka. Sidaas darteed, dalalka Khaliijku waxa ay ku dedaaleen in ay dhaleeceeyaan gantaallada Iiraan kusoo tuurtay dhulkooda, se hadda “waxa ay ku dedaalayaan in aanay qaadan mawqifyo keeni karta aargoosi intan ka ballaadhan. Sida muuqata, u kaadintu waa doorashada ugu wanaagsan”.
U kaadinta iyo dhawridda xaaladdu waa isla waxa Laali Khaliili, oo ah bare siyaasadaha Khaliijka ka dhigta Jaamacadda Exeter, ay ku tilmaantay qaabka Iiraan uga jawaabtay weerarrada Maraykanka. Laali Khaliili oo sannadkii 2024 faafisay buug ay kaga hadlayo iskusocodka badaha, waxa ay sheegtay in Iiraan si wacan u garanayso qaabkay u carqaladayn karto ganacsiga caalamiga ah ee biyaha mara, iyadoo khibrad badan ka heshay dagaalkii maraakiibta ee siddeetanaadkii, sannadahaasina tusaale u yihiin waxa ay hadda samayn karto.
Gorfaynta mareegta “Dimsum Daily” oo Hong Kong ku taalla, waxa ay soo bandhigaysaa in suuqyadu tobannaankii sanno ee u dambeeyeyba oddorasayeen suuragalnimada xidhitaanka Hurmus, sharci ahaan iyo jiquraafi ahaanba, halka xaaladda imika taagani aanay tusinayn in marinkani u baahan yahay xidhitaan rasmi ah oo lagu xidho. Sida laga xigan karo jariidadda Financial Times, shirkadihii caymisku waxa ay joojiyeen heshiisyadii cayminta maraakiibta shixnadaha ee ka gudbaya marinkan judhii dagaalku bilaabmayba, waxaana suurogal ah in qiimaha caymiska kor loo qaado ilaa boqolkiiba konton.
Waxa, haddaba, is weydiin mudan: ilaa hadma ayaa ay Iiraan sii wadi kartaa carqaladayntan?
Khaliili waxa ay xusaysaa, in cidda sida dhabta ah natiijooyinka carqaladayntu soo gaadhayaan yihiin muwaaddiniinta caadiga ah, oo la kulmi doona sicirbarar xadhkaha goosta, ahna isla natiijo sannadihii dambe soo noqnoqotay kolkii uu bilaabmay dagaalka Yukrayn iyo Ruushku, oo carqaladeeyey iskusocodkii gaaska iyo midhaha, sidoo kalena kasii daray wixii ka dambeeyey xasuuqa Israa’iil ka waddo Qasa, kuna xigeen weerarrada Xuutiyiintu ku qaadeen shixnadaha ka gudbayey Badda Cas, qodobkan oo keenay in maraakiibtii ka gudbaysay Kanaalka Suways oo hoos u dhacaan boqolkiiba 60, lagana wareego cidhifka Koonfurta Afrika, oo muddadii iskusocodka ku kordhiyey laba toddobaad.
