Wararka ka imaanaya degmada Xawaadleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay dad badan Cudurka shubanka ugu geeriyoodeen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay degmada Xawaadleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe ay ugu geeriyoodeen cudurka shubanka in ka badan 15 qof, iyadoo sidoo kalana ay weli la il daran yihii 25 kale.
Degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe malaha Xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo waxaana dadka uu soo ritay Cudurka shubanka lagu daweeynaya fagarayaasha degmadaas.
Tan iyo fatahaadii webiga Shabeelle, degaannada Hirsabeelle waxaa weli ka jira Cudurka shabubnka oo dhibaato baaxad leh ku haya.