Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in ay ciidamo kala dhex dhigaan, malleeshiyo beeleed maalmahan isku dilayay deegaanno ka tirsan Galbeedka Mudug.
Dagaal beeleedka oo la sheegay in dad badani ay ku dhinteen ayaa salka ku haya muran dhuleed sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, oo ka soo jeeda labada beel ee dirirtu dhex martay.
Dagaallada xooggooda ayaa ka dhacay deegaannada miyiga ee u dhexaeya Galdogob iyo Bandiiradley, waxaana intii ay diritu socotay ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Lamo ogga in ciidamada la kala dhex dhigay ay keeni karaan xalka colaada beelahan, waxaase la rumeysan yahay in dirirtan ay noqotay mid taxane ah oo soo noq noqota.
Soomaalida miyigi ku dhaqan ayuu inta badan dhex maraa muran dhanka dhulka ah, waxaana taasi ay sababtaa in goobta ay colaad ka ooganto, isla markaana uu dagaalku sababo khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.