Saacadihi la soo dhaafay kontaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaa la wareegay Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo gadood muujinaya.
Ciidamadan oo wata hub aad u culus, ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan ba’an oo soo wajahday, waxaana qaarkood ay sheegayaan in dhowr bilood aanay wax mushaar ah qaadan.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in aanay wareejin doonin kontoroolka ay qabsadeen ilaa maamulka Puntland uu ka siiyo xuquuqdooda.
Inta badan Deegaanada Puntland waxaa ku soo noq noqda ciidamada gadoodsan, kuwaas oo ka cabanaya Mushaar la’aan, waxaana ay arrintani muujineysaa in hoggaanka Puntland uu ku guuldareystay bixinta xuquuqda ciidamada maamulkaas.